Lionel Messi oo loo diray dalxiis, ka hor kulanka Caawa iyo Valverde oo ku dhawaaqay magacyada Kooxdiisa

0
415

Hogaamiyaha Kooxda Barcelona Ernesto Valverde ayaa liiskiisa ka saaray Cayaariyahan Lionel Messi kulanka maanta ay la ciyaari doonaan dhigooda Levante, kaas oo qayb ka ah La Liga.

Xiddiga heer Caalami ee Wadanka Argentine Leo ayaa la siiyay fasax, ka hor kulanka Caawa, si uu waqti ula qaato qoyskiisa, hase ahaatee Valverde ayaa liiska Weerarkiisa kuso koobay kaliya Dembele, Alcacer iyo Suarez.

Xiddigaha Samuel Umtiti iyo Aleix Vidal ayaa sidoo kale kulankan dhaawacyo kala duwan ku seegaya, halka Sergi Roberto uu ganaax ku maqnaa, markii uu feer la dhacay Cayaariyahan Marcelo Vieira kulankii El Clásico.

Xiddigaha Kooxda Blaugrana ee losoo xulan kulanka Levante waxay kala yihiin.

GK: Ter Stegen, Cillessen.

DEF: Semedo, Pique, Yerry Mina, Vermaelen, Digne.

MID: Busquets, Rakitic, Paulinho, Andre Gomes, Denis Suarez, Iniesta, Coutinho.

ATT: Dembele, Alcacer, Suarez.

 

https://pbs.twimg.com/media/

The post Lionel Messi oo loo diray dalxiis, ka hor kulanka Caawa iyo Valverde oo ku dhawaaqay magacyada Kooxdiisa appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here