Maxaad ka taqaanaa xiddigaha kasoo jeeda qaarada Asia ee ugu mushaarka badan Yurub

0
569

Xiddigaha Kubada Cagta ee kasoo jeeda qaarada Asia ayaa hadda u muuqda kuwa hiwaayadooda kubada cagta ku baahinaya adduunka oo idil.

Naadiyada Ciyaara horyaalka Premier League ayaa bartilmaameed ka dhiganaya ciyaartoyda kubadda cagta ee kasoo kala jeeda dalalka Japan, Korea, China iyo dalalka kale oo dhaca Asia.

Xiddigaha Shinji Kagawa iyo Son Heung-min oo ka kala tirsan Naadiyada Borussia Dortmund iyo Tottenham ayaa ah ciyaariyahanada waqtigaan ugu mushaarka badan, ku waas oo kasoo jeeda dalalka dhaca qaarada Asia.

Halkan waxaad ku arki doontaa faahfaahin ku saabsan ciyaartoyda Asian-ka ah iyo mushaarka ay toddobaadkiiba ka qaataan Kooxahooda.

 

 

Shinji Kagawa: Weekly Wage (£130,000): Club (Borussia Dortmund):

 

Shinji Kagawa highest paid Asian Footballer 2018

Shinji Kagawa ayaa noqonaya Xiddigaha kubadda cagta ee kasoo jeeda qaarada Asian iyo Xulka Japan, kaas oo sidoo kale qayb ka ah Kooxda Bundesliga ee Borussia Dortmund ayaa todobaadkiiba ka qaata aduun dhan £ 130,000-kun oo ginni, kaddib markii uu kasoo taga Manchester United sanad Ciyaareedkii 2014-kii.

Son Heung-min: Weekly Wage (£80,000): Club (Tottenham):

 

Best paid Asian footballer in Premier League 2018

Son Heung-min oo haatan u ciyaara Kooxda Premier League ee Tottenham ayaa sidoo kale qayb ka ah Xiddigaha Xulka qaranka South Korea ayaa liiskan kasoo muuqday darajada labaad Xiddigaha ugu mushaarka badan Laacibiinta Asia, kaddib markii uu Spurs u saxiixay hishiis shan sano ah uu kula sii joogayo ilaa iyo sanad Ciyaareedka 2015-ka, kaddib markii uu ka soo tagay Bayer Leverkusen, xilli uu mushaar ahaan u qaato toddobaadkiiba £ 80,000-kun.

 

Shinji Okazaki: Weekly Wage (£75,000): Club (Leicester City):

 

best paid asian footballer from Leicester City

Shinji Okazaki ayaa caan ka noqday gudaha Premier League, kaddib markii uu Kooxda Leicester City ku hogaamiyay hanashada Horyaalka English Premier League sanad Ciyaareedkii 2015/2016, taariiqda markoodii ugu horaysay, kaas oo lacag dhan £7-million oo gini oo kaga soo tagay Kooxda Jarmalka ee FSV Mainz 05.

 

The post Maxaad ka taqaanaa xiddigaha kasoo jeeda qaarada Asia ee ugu mushaarka badan Yurub appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here