Marouane Fellaini oo ku dhaw inuu u duulo horyaalka Ligue 1 ee dalka France

0
412

Marouane Fellaini ayaa lagu soo waramayaa inuu isha ku hayo inuu xagaaga u dhaqaaqo kooxda ka dhisan Ligue 1 ee Marseille, madaama uu dalbaday mushaar sare.

 

Waxaa lagu soo waramayaa in ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United uu diiday qandaraas cusub oo uu ku sii joogayo Old Trafford, isagoo raadinaya waqti dheeri ah.

 

Sida laga soo xigtay L’Equipe, Fellaini ayaa la kulmay madaxa kooxda Marseille Andoni Zubizarreta todobaadkii hore, laakiin mushahar ayaa weli ah kuwa kufilmaamaya heshiis kasta oo dhici kara.

 

Wargeyska ayaa intaa ku daray in AC Milan ay xiiseyneyso saxiixa xiddiga reer Belgium.

 

Fellaini wuxuu noqon doonaa wakiil xor ah xagaagan waxaana uu wadahadalo kula jiraa kooxo dhowr ah oo ajnabi ah.

The post Marouane Fellaini oo ku dhaw inuu u duulo horyaalka Ligue 1 ee dalka France appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here