Jesse Lingard: ‘Waxaan dareemayaa inaan raaxo badan u ciyaaro England marka loo fiiriyo Manchester United’

0
859

Jesse Lingard ayaa shaaca ka qaaday inuu dareensan yahay inuu “ku raaxeysto” inuu u ciyaaro England tan iyo intii uu ku biiray Manchester United.

 

25 jirkaan ayaa qeyb ka noqon doona kooxda 23ka ciyaaryahan ee Gareth Southgate oo u safreysa Russia ka dib xilli ciyaareed fiican madaama uu dhaliyay 13 gool 48 kulan oo uu saftay.

Image result for Jesse Lingard

Lingard, oo ku guuleystay 10 kulan, ayaa ka qeyb qaadan doona koobkiisii ugu horeeyay Koobka Adduunka, isagoo ka hadlayey kulanka  saaxiibtinimada Nigeria ka hor 2-da June, wuxuu qirtay in ciyaaraha Three Lions uu u dareemayo mid fudud.

 

“Waxaan runtii dareemayaa raaxo badan marka aan u ciyaarayo England marka loo eego United” ayuu Lingard u sheegay GQ. “Kulan kasta, waa inaad ku ciyaareysaa cabsi la’aan.

 

“Waa mid ka mid ah farsamooyinkaaga ciyaareed ee ciyaaryahan ahaan, waxaana noqon doonaa koobkeyga ugu horeeya ee Koobka Adduunka, sidaas darteed waa inaan ku raaxeeyaa daqiiqad kasta, hadii aan bilaabayo ama hadii aan saameyn ku yeesho keydka.

 

“Waxaan u maleynayaa inaan si fiican u qaban doono sababtoo ah ruuxa kooxda ayaan heysanay.”

 

England ayaa wajaheysa Belgium, Panama iyo Tunisia wareega group-yada Koobka Adduunka.

The post Jesse Lingard: ‘Waxaan dareemayaa inaan raaxo badan u ciyaaro England marka loo fiiriyo Manchester United’ appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here