Thomas Muller oo hilow u qaba in uu ku biiro Naadiyada United iyo Chelsea, iyo halka uu gaarsiisan yahay damaca Ed Woodward

0
410

Weeraryahanka Kooxda Bayern Munich Thomas Muller ayaa albaabka u furay qaar ka mid ah Kooxaha qaarada Yurub, kaddib markii uu sheegay in uu ka tagi doono Kooxdiisa.

Cayaariyahan Muller ayaa lala xiriirinayay Naadiyada Manchester United iyo Chelsea xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, hase ahaatee hada diyaar u ah in uu wada hadalo la sameeyo.

Xiddiga heerka caalami ee Wadanka Germany Thomas ayaa haatan shaaciyay in uu ka tagayo kooxda, ka hor bilowga xilli Ciyaareedka soo adan.

Sida uu baahiyay war sidaha Jarmalka ee Welt am Sonntag, Cayaariyahan Muller ayaa sheegay in uusan hubin mustaqbalkiisa garoonka Allianz Arena, hase ahaatee saraakiisha Kooxda Bavarian ayaa isku dayi doona in ay ku qanciyaan in uu sii joogo Kooxda ugu guulaha badan Bundesliga ee Munich.

“Sida caadiga ah, aad ayay u adag tahay in laga tago Koox sida Bayern oo kala ah.

“Hadda ma haysto wax fikrad ah inaan wax kale sameeyo, balse waxaan doonaya is bedel dhanka Kooxaha, “ayuu yiri Thomas Muller.

Madaxa fulinta ee Kooxda Manchester United United Ed Woodward ayaa ku riyoonaya in Muller uu qayb ka noqdo xiddigaha Old Trafford, ka hor bilowga xagaaga danbe.

Bayern ayaa ka diiday dhigeeda Red Devils aduun dhan £85m oo ku aadan helida Cayaariyahan Muller sanad Ciyaareedkii 2016-kii.

28-sanno jirkaan ayaa ku guulaystay kabaha dahabka Ciyaarihoo Koobka aduunka ee 2010-kii, halka sanad Ciyaareedkii xigay ee 2014-kii uu hantiyay abaalmarinta Silver Boot ama Kabta Qalinka, xilli qandaraaskiisa ay ka harsan tahay kaliya 2-sanno.

 

https://cdn.vox-cdn.com/thumbor/8_5E6FqSECWO6kFLOIEF8cWIlig=/0x0:3500x2432/1200x800/filters:focal(1124x272:1684x832)/cdn.vox-cdn.com/uploads/chorus_image/image/59941041/

The post Thomas Muller oo hilow u qaba in uu ku biiro Naadiyada United iyo Chelsea, iyo halka uu gaarsiisan yahay damaca Ed Woodward appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here