Higuain oo fariin ku aadan mustaqbalkiisa u soo diray kooxda Chelsea

0
464

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Argentina ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Stamford Bridge, iyadoo warar soo baxayey todobaadkii lasoo dhaafay ay sheegayaan in Juventus ay u soo bandhigtay is dhaafsasho labada dhinac si Alvaro Morata uu mar kale ku laabto Juvantus.

Higuain ayaa weli heysta seddex sano oo qandaraaskiisa kooxda Juventus ka dib markii uu ku biiray kooxda heysata horyaalka Serie A labo sano ka hor isaga oona ku yimid aduun dhan £ 75.3 milyan .

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay suuqa ugu jirto weeraryahan cusub ka dib markii Morata uu ku fashilmay kooxda , Higuain ayaana soo jeediyay inuu soo dhaweynayo inuu u dhaqaaqo Stamford Bridge.

Markii wax laga weydiiyay mustaqbalkiisa ayuu ESPN u sheegay : ” ‘waxaan hishiis kula jiraa Juvantus wax war ah cidna kama soo saarin mustaqbalkeyga .

‘ aad baan ugu faraxsanhay ciida Turin waqtigan base waan jeclaan lahaa in aan ka ciyaaro premier league wax badan ayaan xiiseenayaa.”

The post Higuain oo fariin ku aadan mustaqbalkiisa u soo diray kooxda Chelsea appeared first on Wararka Ciyaaraha.

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here