Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyada Jubbaland oo bilwodey soo noolaynta Kubbada Koleyga+Sawirro.

0
855

Ka dib Tartamadii kubadda cagta,tartankii Qur`aanka kareemka iyo kii Aqoonta guud oo ay kuwada guulaysatay dawlad goboleedka Jubbaland waxaa markaan  bilowday soo noolaynta kubadda Kolayga waana ciyaar markale soo jiidatay dhalinyarada ku nool magaalada Kismaayo.

Kubadda  Kolayga waxaa la ciyaara 45 daqiiqo waana waqti  u dhigma labo meelodd meel inta la ciaayro kubadda cagta malahan nasiino ama Haif time sida kubada waxaana 10 kii daqiiqabo lala hadlaa kooxda waxaana sidoo kale macalimiinta fursad loo siiyaa inuu la hadlo kooxdiisa sidaas waxaa Jubbaland TV u sharaxay sharciga ciyaartan Mudane Maxamed Maxmuud Cigaal oo ka mid ah Macalimiinta sharci yaqaanka ah marka laga hadlayo dhanka kubbada Koleyga.

Halkii mar ee Shabaqa la taabsiiyo kubada waxaa loo qoraa 2 Dhibcood kooxda taasi ayaana ah xawaare ay ku kala tagaan labada koox ama ay isku bareejeyaan.

Muxubo Cartan waxay  waqtigeeda ku bixisaa kubada Koleyga waxayna aqoonteeda ku caawisa gabdhaha iyo wiilashaba waxay ahayd ciyaartooydii gabdhaha ee koobka kubada kolayga dalkeena kusoo guulaystay sanadii 1983 ayada o u ciyaaraysay gobolka Jubbada Hoose waxayJubbaland TV  u sheegtay in ay ku dadaalayso soo noolaynta kubada kolayga lkn tageero looga bahan yahay dawlad-goboleedka Jubbaland.

Ciyaartan xiisaha  leh waxaa ku  raaxaysanaya dawashadeeda dhalinyarada magaalada oo shucuurtooda laga dareemayey in ay u riyaaqeen qaabka ay u socoto ciyaartani,waxayna  dhexmartay ciyaatan kooxaha ku kala ciyarayey magaca TV-ga Jubbaland iyo koox ku dheelaysay magaca Heegan ee booliska Jubbaland  waxayna kusoo dhamaatay 15 dhibcood iyo 13 dhib ood oo ay guushu ku raacday kooxda Heegan.

Guddiga garsoorka ayaa ku dhawaaqay Natiijada ciyaarta waxaana la gudonsiiyey koobka kooxdii guulaystay eeHeegan labada kabtan ayaana Jubbaland TV u sharaxay dareenkooda.

Billowga iyo soo noolaynta kubadda Kolowga ayaa ku soo beegmaysa xilli ay Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Dowlad Goboleedka Jubbaland ay wado dadaalo lagu dhiira galinayo isla markaana lagu soo bandhigayo Hal-abuurada ku qarsooon Dhalinyarada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here