Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee jubbaland ayaa waxay maanta xukun dil ah ku fulisay saddex askari oo ku eedaysanaa fal-dambiyeedyo dil ah kuwaas oo kala ah.
Cabdullaahi Asad Ismaacil oo horay u dilay xaaskiisi marxuumad Muxubo Maxamed Guure
C/rashiid Axmed Xasan oo horay u dilay
Marxuum Maxamed Cabdullaahi Xirsi
Aadan Cabdi Muumin oo horay u dilay
Marxuum Cawil Colow Xasan
Dhanka kale Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa cafis u fidiyay 46 Maxbuus oo ku xiran xabsiyada Jubbaland, waxaana cafiska madaxweynaha uu yahay mid lagu maamuusayay Ciidda iyo fadliga bishii dhamaatay ee Ramadaanka.