Klopp oo baadi goobaya sedex goolhaye midkood in xili ciyaareedkan uu la soo saxiixdo

0
377

Liverpool macalinkooda Klopp ayaa kala dooran doona sedex goolhayahe midkood isaga oona iska hilmaamay kuwa hada kooxdiisa ku sugan oo kala ah Simon Mignolet iyo Loris Karius .

Kooxda lagu magacaabo Reds ayaa lala xiriirinayaa magacyada goolhayeyaasha kala ah Alisson, Butland iyo Schmeichel oo ay mudo badan raadinayeen .

Alisson ayaa xulka Brazil ka caawiyey in ay gaaraan warwega quarter-finalka iyaga oona ka adkaaday xulka qaranka Mexico waxaana goolasha u dhaliyey Neymar iyo Roberto Firmino.

Butland ayaa qeeb ka ah dooqa macalinka reer germany bakse waa dooqa labaad ee goolka Engaland waxaana ka horeega Jordan Pickford.

Schmeichel oo ciyaar layaab leh la yimid kulankii xulkiisa Denmark laga reebay koobka aduunka waxa uuna badbaadiyey rigoorooyin oo ay xitaa ku jirto rigooro Modrich uu ka badbaadiyey dhamaadkii ciyaarta .

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here