Xiriirka kubada cagta Aduunka ee FIFA oo balan qaaday in ay Finalka Koobka Aduunka ku casumi doonto wiilasha ku xayirmay godka dalka Thailand.

0
432

Xiriirka kubada cagta Aduunka ee FIFA ayaa balan qaaday in ay Finalka Koobka Aduunka ku casumi doonto wiilasha ku xayirmay godka dalka Thailand.

Wiilashan oo ah koox kubadeed iyo tababarahooda ayaa mudo 2 asbuuc ah ku xayiran dhulka hoostiisa waxa ayna noqotay hadalheentii ugu balaarneed asbuucan sii dhamaanaya .

10 cisho ayey ahaayeyn bilaa cunto. Haatan cunto waa ay heestaan laakiin sidii looga soo saari lahaa godka ayaa dhib ka taagan tahay.

Lama oga in Finalka Koobka Aduunka ka hor la soo badbaadin karo iyagoo caafimaad qaba iyo inkale.

Dadoodu waxay u dhaxaysa wiilasha 11 ilaa 13 sano oo keliya waana arin murug ah oo mucashaqiinta kubada cagata ay ka naxeen .

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here