Maxaad ka taqaanaa hogaamiyaha cusub ee Xulka qaranka Spian ?

0
627

Tababarihii hore ee Kooxda Barcelona Luis Enrique ayaa loo magacaabay tababaraha cusub ee xulka qaranka Spain, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya gudaha dalka Spain.

Xiriirka kubada Cagta dalka Spain ayaa macalin Luis Enrique u gacan geliyay qandaraas laba sano ah, kaddib markii uu ka tagay macalinkii sida ku meel gaarka ah shaqada u waday ee Fernando Hierro.

Macalin Enrique oo sidoo kale tababare u soo noqday Naadiyada Roma, Celta Vigo iyo Barcelona ayaa noqon doona macalinka xulka La Roja, si ay ugu soo baxo tartanka Euro 2020-ka.

Xiriirka kubada cagta Spain ayaa sidoo kale xaqiijiyay maanta in tababarihii hore ee Kooxda Villarreal Jose Francisco Molina loo magacaabay agaasimaha waaxda isboortiga, kaddib markii uu kal hore ka tagay shaqadaas Hierro.

Kabtankii hore ee Kooxda Los Blancos Fernando Hierro ayaa ka tagay maalin ka hor Koobka Adduunka, kaddib markii lagu bedelay tababare Julen Lopetegui, xilli xulkiisa ay kusoo hareen wareega wareega 16-ka, kaddib markii ay qasaaro kala kulmeen martigeliyayaasha Koobka ee Ruushka.

Saxaafada gudaha dalka Spain ayaa ogaatay in Enrique uu ku garaacay musharixiin ay ka mid yihiin Quique Sanchez Flores, Paco Jemez, Michel, Roberto Martinez iyo Pepe Mel.

Luis Enrique ayaa noqonaya tababare tan iyo markii uu ka tagay Barcelona fasal Ciyaareedkii 2017-kii, kaddib seddex sanno oo uu kusoo qaatay gagida Camp Nou, halkaas uu ku guuleystay saddex Copa del Reys, labo Koob oo LaLiga, hal jeer oo Champions League, hal jeer oo Supercopa de Espana, ha jeer oo UEFA Super Cup iyo hal jeer FIFA Club World Cup.

 

Source: Sports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here