Nigeria oo siideysay ku dhawaad 200 oo dhalinyaro ah oo argagixisanimo looga shakisanaa

0
493

Hay’adaha ammaanka Dalka Nigeria ayaa xabsiga ka siidaayay ilaa 183 carruur ah,kuwaasi oo looga shakisnaa in ay xiriir la leeyihiin ururka Boko Haram, oo ku sugan dalkaasi.

Siideyntooda ayaa timid kadib markii laga waayay wax dembi ah,Waxayna ka koobnaayeen 175 wiil iyo siddeed gabdhood oo da’doodu u dhaxeeyso siddeed ilaa iyo 18 sano jir, waxaana ay ku xirnaayeen magaalada Maiduguri ee gobolka Borno.

Saraakiisha ayaa sheegay in Carruurta haatan la geeyay xarun ay maamusho dowladda, halkaasi oo lagu daweynayo,si caafimaadkooda loo wanaajiyo,iyadoo intaasi kadib ay dib ula midoobi doonaan qoysaskooda.

Dahnak kale war ka soo baxay Xafiiska hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ee Unicef ay ku leedahay Nigeria ayaa lagu sheegay in ay dowladda kala shaqeyneyso sidii taageero loogu fidin lahaa carruurtaas.

Dowladda Nigeria ayaa horay loogu dhaleeceeyay xarigga loo geeystay carruurta,iyadoo Sannadii 2016, ururka xuquuqda aadanaha udooda ee Amnesty international ay sheegeen in 149 qof oo ay ku jiraan 11 carruur ah oo aad u yar yar ay ku dhinteen xabsiyada ku yaalla magaalada Maiduguri.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here