Duulimaadkii ugu horeeyey ee Itoobiya iyo Eritrea oo bilowday

0
692

Markii ugu horeysay muddo 20 sano oo colaad u dhexeysay itoobiya iyo Eritrea ayaa Maanta waxa dib u bilaamaya isku socodkii duulimaadyada diyaaradihii u kala gooshi jiray magaalooyinka Addis Ababa iyo Asmara.

Duulimaadkii ugu horreeyay ayaa maanta diyaarad ay leedahay shirkadda Ethiopian Airlines oo ay la socdaan warfidiyeenno badani waxay ku degi doontaa garoonka Asmara,taasi oo qeyb ka ah bilowga xiriirka dhank adiblomaasiyadeed ee labada dal.

Talaabadan ayaa la aaminsanyahay in ay ka dhalatay dedaaladii dib u heshiisiinta ahaa ee labada dal qaateen iyo booqashooyinkii lama filaanka ahaa ee labada hoggaamiye ku kala tageen labada dal.

Madaxweynaha Eritrea  Isais Afwerki ayaa Horraantii todobaadkan wuxuu booqasho ku tagay Addis Ababa, waxa uuna xilligii uu halkaasi joogay uu dib u furay safaaradii dalkiisu ku lahaan jiray Addis Ababa oo 20 sano xidhnayd,wixii xiligaasi ka dambeeyey waxaa dib u bilowday xiriir cusub.

Dalka Eritrea ayaa ka go’ay Itoobiya saandkii 1993, waxaana shan sano kaddib labadani waddan dhex maray dagaal ay ku naf waayeen 80,000 oo qof.

Intaasi wixii ka dambeeyey waxaa sii xumaaday xiriirkii labada dhinaca,kaasi oo muddo 20 sano ah meesha ka maqnaa,balse haatan waxaa muuqata ififaalo ku aadan dib u soo nooleynta xirirkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here