Muhaajiriin cusub oo laga badbaadiyay badweynta Waqooyi galbeed ee dalka Liibiya

0
618

Ugu yaraan 156 muhaajiriin oo bilaa sharci ah ayaa lagu badbaadiyay badweynta waqooyi galbeed ee dalka Liibiya , iyagoo ku safraya doon,sida ay xaqiijiyeen maanta oo khamiis ah saraakiil ka tirsan ciidamada badda ee dalkaasi.

War ay sii daayeen ciidamada badda dalka Liibiya ee ay aqoonsan tahay Qaramada Midoobay ayaa sheegaya in dadkaasi lagu badbaadiyay xeebaha woqooyi galbeed meel 26-mayl u jirta magaalada Khoms  ,barigana ka dhacda caasimadda Tripoli.

Dadka la badbaadiyay waxaa ku jira 10-caruur ah iyo 24-haween ah.

Tan iyo markii uu burburay dalka Liibiya sanadkii 2011,xeebaha woqooyi galbeed ee dalkaasi waxa ay noqdeen meesha keliya ee dadka socdaalaya ay uga  gudbaan dalka Talyaaniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here