Warqado Digniin Ah oo Diyaarado ay ku Dadiyeen Goobo ay Maamulan Maleshiyaadka Shabab

0
1264

Wararka naga soo gaaraya deegaano hoostaga degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in diyaarado dagaal ay Maanta Warqado digniin ah ku daadiyeen tuulooyin hoostaga degmadaas.

Tuulada Basra oo 12km dhinac Galbeed ka xigta degmada Balcad ayaa waxaa lagu soo waramayaa in diyaarado aan la aqoon halka laga leeyahay ay ku daadiyeen Warqado digniin ah.

Qof ka mid ah dadka ku nool Basro balse digniinta ka dib soo aaday degmada Balcad,isla markaana sababo amni Magaciisa u qariyey ayaa u sheegay Warbahinta in Warqadaha dadka Shacabka ah looga digayey in ay deegaanka isaga baxaan,isla markaana ay doonayaan in ay howlgal ka fuliyaan.

Waxa uu sheegay in Tuulada Basra ay maamulaan Al-Shabaab,balse dadka ku nool ay cabsi soo wajahday ka dib markii diyaaradahaas ay Warqadaha digniinta ah ku daadiyeen.

Maamulka degmada Balcad iyo kan Hir-Shabelle weli wax faah faahin ah kama bixin basle waxa ay ku soo aadeysaa xilli shalay gelinkii dambe diyaarado dagaal ay duqeyn ka geysteen tuulada Saar saare oo u dhow deegaanka Qalimow ee degmada Balcad.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here