Wasaaradda Macdanta, Tamarta iyo biyaha Jubbaland oo Kulan La Qaadatay Hay Adaha ka howl gala kismayo

0
623

Wasiirka Wasaarada Macdanta, Tamarta iyo biyaha Jubbaland ayaa manta kulan is xog wareeysi ah la qaatay 20 hey’adood oo ka mid ah hey adaha ah ka Shaqeeya Arimaha Gar-gaarka  Ee  Xarumaha ku leh  Magalada Kismayo

Hay’adaha Ayaa wasiirka uga warbixiyey Waxyaabaha ay ka qabteen dhinaca Biyaha oo ay ka mid yihiin  Qaar ka midda Goobaha Waxbarashada Kismaayo oo ay hay’aduhu ka Fuliyeen Mashaariic dhinaca biyaha ,Ceelbiyood laga qoday Xaafadaha la Dajiyay  dadka ka soo Laabanaya Xerayaha qaxootiga dhadhaab Ee Dalka Keenya.

Shirkaan oo Socday ku dhawaad hal Saac Ayaa markii uu Soo dhamaaday waxaa Warbaahinta la hadlay Wasiirka wasaaarda Macdanta,Tamarta iyo Biyaha Jubbaland Maxamed Maxamuud Isagoo ka warbixiyey Waxyaabihii ugu waa weynaa Ee manta ka wadda hadleen Masuuliyiinta hay’adaha gar-gaarka waxuuna Bogadiyay Howlaha Magalada Kismayo ay ka Wadaan Hay Adaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here