Askar Liyuu booliis ah oo dishey 31 Ruux oo Oromo ah

0
755

Mid ka mid ah Mas’uuliyiinta Qowmiyada Oromada ayaa warbaahinta u sheegay in  ciidamada liyuu Boolis ay dileen 31 ka mid ah Qowmiyada Oromada ka dib markii ay rasaas ku fureen dadkaas.

Dilka dadkaas ayaa waxa uu ka dhacay gobolka Oromada,waxana la sheegay in dadka dhintey ay isugu jiraan carruur iyo dad waayeel ah,isla markaana si bareer ah loo dilay.

Mas’uulka ka tirsan Oromada ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in 31 qof ee la diley ay ku jiraan shan dumar ah,taasina ay walaac ku abuurtay Haweenka ku sugan Gobolada ay ku badan yihiin Oromada.

Wali  majirto wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha ciidamada liyuu booliska,waxana la sheegay in dilka dadkaas ay salka ku heyso rabshadaha ka dhacay dowladda deegaanka Soomaalida Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here