Kulanka Khamiislaha ahaa ee golaha wasiirada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland oo Maanta Shir guddoominayey Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa looga hadlayay qodoba dhowr ah oo ay Ka mid ahaayeen Arimaha Amniga, Siyaasadda Iyo Burburintii anteenooyinkii Shirkadda Isgaadhsiinta Hormuud ee ka dhacday deegaanadda Cali Buuley iyo degmada Ceel-Waaq ee gobolka Geddo .
Ugu horeyn Madaxweynaha Jubblanad Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Golaha Jubbaland uga Xog Waramay Safarkii u Ku tagay Dalka diibadiisa iyo Waxyaabaha usoo qabsoomay.
Ka dib khudbadii Madaxweynaha waxaa warbixin laga dhagaystey qaar ka mid ah Wasaaradaha Jubbaland kuwaas oo ay ka mid ahaayeen wasaaradda Maaliyadda,Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda,Wasaaradda Macdanta Tamarta iyo biyaha.
Ka dib dhagaysiga Warbixinada Wasiirada waxaa ay goluhu isku af garteen in dib loo dhigo doodada la xiriirta xeerka Nootaayada oo maanta loo balansanaa.