Madaxweynaha Dowlad Goboledka Jubbaland oo Aqalka Madaxtoyada Jubbaland Kula Tukaday Kumanaan Shacab ah

0
469

Madaxweynaha Dowlad Goboledka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed islaam ayaa Maanta Xarunta Madaxtoyada Jubbaland Kula Tukaday Labada Golle Ee Dowlada Odayaasha Dhaqanka Iyo Dadweyne Aad u Tiro Badan

Mudane axmed Maxamed islaam Madaxweynaha Dowlad Goboledka Jubbaland ayaa Hampalyo Udiray dhaamaan umada Islaamka ah Gaar ahaan umada Soomaliyed Mel Walbo ay Dunida Ka Joogaan

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo Qudbad Dhinacyo Badan Taabaneyso Goobta ka Jeediyay ayaa Shegay in shacabka Soomaliyed Xiligan aysan u Bahneen Dagal iyo inay dib ugu Laabtaan Dhibatoyinkii ay ka soo Gudbeen Waxuuna Madaxweyne axmed Xusay in Lobahan Yahay in Laga Wada Shaqeeyo Horumarka Dalka iyo Sidii Loo Badbaadin Lahaa Shacabka Soomaliyed

Madaxweynaha Dowlad Goboledka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed islaam ayaa ugu Baqay shacabka Reer Jubbaland in aan Loo Dulqadan Doonin Dadka Qoryaha Aan Sharciyesnen Wata Waxuuna Madaxweynaha Shegay Hubka inay Dowlada Ledahay Cidii Lagu Arkana Talaabo sharciga Wafaqsan Laga Qaadi Doono

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here