Muqisho: Ciidamada Dowladda oo saaka xiray waddooyin muhiim ah

0
559

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa saakay ku waabariistay ciidamada dowladda Soomaaliya oo xiray  wadooyinka muhiimka ah qaarkood ee Magalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa saakay waxaa lagu arkay Wadooyinka waaweyn ee Magalada Muqdisho,iyaga oo u diidaya inay Wadooyinka qaar isticmaalaan gaadiidka ay wataan dadka Shacabka ah.

Wadooyinka xiran ayaa waxaa ka mid ah Wadada ka timaada dhinaca Shaqaalaha ee soo aada Xamarweyne,Isgoyska Jubba,Taalada Daljirka iyo Wadooyin kale oo muhiim u ah isku-socodka dadka iyo Gaadiidka.

Ciidamada ayaa u diidaya gaadiidka noocyadiisa kala duwan in ay wadooyinkaas isticmaalaan marka laga reebo kuwa ay wataan Ciidamada iyo madaxda Dowladda Soomaaliya.

Laamaha amniga Soomaaaliya weli wax faah faahin ah kama bixin sababta ka dambeysa xirnaanshaha waddooyinka qaar ee maanta ,balse warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in la xiriirta dhinaca amniga.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa inta badan furnaay Wadooyinka Muqdisho oo Gaadiidka ay wataan dadka Shacabka ah ay si caadi ah u isticmaalayeen,wallow maanta qaarkood ay xiran yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here