Maxkamadda ciidanka Jubbaland oo booqatay xerada ciidanka Af-Madoow (Sawirro)

0
507

 

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa maanta kormeer shaqo ku tagtay Taliska Ciidamaada Booloska iyo Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee degmada Afmadow.

Gaashaanle dhexe Ar Sheekh Cali Taliyaha Amniga Degmada Afmadow ayaa soo dhawayn ka dib sharaxaad ka bixiyay Xaaladda Ammaan ee degmada Afmadow iyo deegaanada hoos yimaada.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee dowlad-goboledka Jubbaland Gaashaanle Sare Xasan Ibraahim Isaaq oo la hadlay Warbaahinta Jubbaland TV ayaa ku booriyay Ciidanka boliska degmada afmadow isagoona kula dardaarmey dar dar galinta howlaha Ammaanka ee degmada Afmadow iyo deegaanada hoos yimaada.

Dhanka kale Xeer Ilaaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee dowlad-goboleedka Jubbaland Gaanshaale Sare Mowliid Axmed yaasiin ayaa dhankiisa ka hadlay muhiimada ay leedahay wada shaqaynta Shacabka iyo Ciidamada Ammaanka isagoona xusey in qof walba ay Mas`uuliyad ka saran tahay ilaalinta iyo xasiloonida guud ahaan deegaanada Jubbaland.

Ugu danbayntii Mas`uuliyiinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa koormeer dheer ku soo marey xarumaha ay Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ay ku leeyihiin degmada Afmadow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here