Baaritaankii Qunsilyadda Sacuudiga ee Turkiga oo qaatay Sagaal Saacadood ayaa la soo gabagabeeyay.

0
522

Kooxaha Sacuudiga iyo Turkiga ee mas’uulka ka ah baadhitaanka Kiiska Saxafiga Jamal Khashoggi ayaa isaga baxay dhismaha qunsuliyada Sacuudi Carabiya ka dib kormeer sagaal saacadood ah oo ay ka wadeeen gudaha Qunsilyadda Sacuudiga.

Sida uu Qof goob jooge ah u sheegay Wakaaladda Wararka ee Roytaris koox ka kooban 10 Baarayaal oo ka tirsan Booliska Turkiga ayaa ka soo baxay Al-Baabka Qunsilyadda waxaana la arkyay Afar Baabuur oo kuwa Caafimaadka ah oo yaalla Bannaanka Kore ee  Qunsilyadda waxaana la saarey Baabuurtaas qayba ka mid ah Ciidda iyo Albaabka birta ah ee laga soo galo Qunsilyadda.

Dhanka kale Kooxda Sacuudiga u qaabilsanayd Baaritaanka ee la socotay Turkiga ayaa isaga baxdey Qunsilyadda ka dib markii la soo gabagabeeyay baaritaankii ay sida wada jirka ah uga wadeen gudaha Qunsiliyadda Sacuudiga uu ku leeyahay Turkiga.

Wakaaladda Wararka ee Anadolu ayaa soo Warisay in kooxda baaritaanka Turkiga,ka dib markii ay soo gashay qunsuliyada ay damisay Nalalka dabaqa sare ee dhismaha, waxayna Ifinayeen Nalalka Buluug ah,kuwaas oo tilmaamaya in kooxdu ay ku jirto Baaritaan adag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here