Mareykanka ayaa isaga baxaya heshiiskii Hubka Nukliyerka ee uu horey ula galay dalka Ruushka.

0
569

Madaxwaynaha maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Washington ay ka baxayso heshiiskii hubka Nukliyarka ee ay horey ula gashay Moscow intii lagu guda jiray dagaalkii qaboobaa ee Aduunka, Mareykanka ayaa Ruushka ku eedeyay in uu xad gudub ku sameeyay heshiiskii dhex maray ee ku salaysnaa Hubka Nukliyarka.

“Ruushku ma ixtiraamayo heshiiska, sidaas darteed waan dhameyn doonaa heshiiska waana iskaga bixi doona” Trump ayaa sidaas u sheegay wariyayaasha.

Mareykanka iyo Midowgii Soofiyeeti ayaa Heshiiska hubka nukliyeerka ee dhex dhexaadka ah kala saxiixdey dabayaaqadii sanadkii 1987 waxaana heshiiskaasi saxiixey labadii Madaxweyne ee waqtigaas Ronald Reagan iyo Mikhail Gorbachev.

Ruushka ayaa dhankiisa ka jawaab celiyay arinta ka soo yeertay Mareykanka isagoona sheegay in u mareykanku ku riyoonayo Caalam ama duni aan Kor lahayn marka loo eego ka bixitaanka heshiiiska labada dal ee Hubka Nukliyerka dhexdhexaadka ah kaas u dhaxeeyay tan iyo dagaalkii Qaboobaa ee aduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here