Shir diiradda lagu saarayay Xanaanada Xoolaha oo lagu qabtay magaalada Kismaayo

0
508

Shirkaani wada tashiga ah  oo looga hadalay horumarinta xoolaha Jubbaland sanadka 2019 ilaa 2020 oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda xananada xoolaha Jubbaland oo ay qeyb ka ahaayeen wasiirdu dowlaha madaxtooyada Jubbaland masuuliyiin ka socutay bangiga aduunka iyo heya’adda FAO

Shirkaani wadatashiga ah ayaa wasaaradda xanaanada xoolaha waxa ayaa waxaa ka qayb galay ganacastada iibiyo xoolaha nool, caanaha, iyo hilibka si loo weeydiyo hababka lagu hormarin karo xoolaha.

wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha jubbaland Maxamed Xasan Maxamed ayaa waxa uu sheegay in wasaaraddu horumarin doonto xoolaha si loo gaaro isku filnaansho wax soo saarka xoolaha.

Xiriiriyaha xannaanada xoolaha Soomaaliya ee hey’adda FAO Khaliif Saciid ayaa sheegay in Jubbaland ay leeyihiin xiriir wanaagsan ayna kala shaqeyan doonaan wasaaradda xanaanada xoolaha, sidii xoolaha ay u heli lahaayeen bisha desmber talaaal looga hortagayo xanuunada ku yimaado xoolaha.

Esayas nigatu oo ka socuday bangiga aduunka  ayaa sheegay in Soomaaliya boqolkiiba konton ay yihiin dad xoolo dhaqato ah loona baahanyahay in la hormariyo xoolaha

Axmed Xasan Sitiin wasiiru dowalaha madaxtooyada jubbaland ayaa sheegay in wasaaradda xanaanada xoolaha ay qabatay howl muhii ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here