Gudi ka socda gollaha shacabka Jubbaland ayaa kor meeray wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha diinta

0
360

Gudigan u Xilsaareen la xisaabtanka hay’adaha dowladda ayaa maanta Kormeer shaqo ku tagay Xarumaha Wasaaradda Wasaaradda Caddaaladda,garsoorka iyo Arrimaha Diinta Dowlad Goboledka Jubbaland iyogona Kulan Saacado Badan Qaatay La Yeeshay Wasiirka wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda garsoorka iyo Arrimaha Diinta Dowlad Goboledka Jubbaland Maxamed Cumar Yuusuf ayaa Jubbaland Tv Oga Warbixiyay Kulanka uu Guddiga La Qaatay iyo Waxa ay ka Wada Hadleen.

Intaasi ka Dib ayaa Gudiga Waxa ay Booqasho ku Tageen Xarunta Saldhiga Dhexe Ee Degmada Kismayo Halkaas oo ay Ku Xiran Yihiin Maxaabiis Danbiyoo Kala Duwan Ku Edeysan

Taliyaha Saldhiga Dhexe Ee Degmada Kismayo Maxamed Caaqib Xirsi ayaa Waxaa uu Guddiga Oga Warbixiyay Xaallada Guud Xabsiga.

Markii uu Soo idlaaday Kormeerka shaqo Ee Guddigan ayaa Waxaa Jubbaland Tv Oga Warbixiyay Gudoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada Barlamanka Ahna Xoghayaha Gudigan Dr Shire Cabdi Maxamed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here