Kalkaaliyaasha caafimaadka ee dalka kenya oo ku hanjabay in ay shaqo joojin sameyn doonaan.

0
435

Kalkaaliyaasha caafimaadka ee dalka Kenya  ayaa ku hanjabaya in ay shaqa joojin sameyni doonaan, hadii dowlada aysan siinin gunnooyinkii horey loogu balan qaaday.

Dowladda Kenya ayey ka dalbadeen in ay bixiso gunnooyinkooda mudo 21 maalmood ah, hadii kale waxay ku hanjabeen inn ay shaqo joojin ka sameyni doonaan guud ahaan dalkaasi.

Dowlada dhexe iyo dowladaha kowntiyada ee dalkaasi  ayey sheegeen in aysan dhaqangalinin heshiiskii ay horay u wadda galeen ee ahaa in la siiyo gunnooyinka ay ku shaqeeyaan, waxaana qayb ka ah gunnooyinka loogu talagalay in dareeska ama dharka ay xirtaan ay ku soo iibsadaan.

Xoghayaha guud ee ururka ay ku bohoobeen kalkaaliyaasha caafimaadka ee dalkaasi Kenya oo la hadlaayey Warbaahinta Gudaha  Seth panyako ayaa sheegay in hadii aan heshiiskan la dhaqangalinin in ay shaqa joojin sameyni doonaan saddex usbuuc ka dib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here