Dhakhaatiirta Xuduudda aan lahayn sheegay in kufsi loo gaystay in kabadan 125 haween iyo gabdho ku nool Koonfurta Suudaan

0
323

Dhakhaatiirta aan xuduudda la ahayn ee marka magacooda la soo gaabsiyo loo yaqaanno MSF International Qaybtooda ka howl gasha Koonfurta Suudan waxaa ay shaaciyeen in Malleeshiyo Hubeysan oo aan la garanaynin haybtooda ay kufsi u gaysteen in ka badan 152 dumar ah  kuwaas oo ay ku jiraan gabdho aan wali qaan gaarin.

MSF ayaa soo saartay bayaan ay arintaasi ku canbaareynso, iyadoona intaasi ku dartay in falalkaasi ay dhaceen muddo 10 Cisho gudahood ah taas oo tilmaameysa khatarta ay ku suganyihiin dumarka Koonfurta Suudaan gaar ahaan tacatiyada ka dhanka ah bini’adamnimada ee lagu kala kacayo gabdhaha yar yar.

Todobaadkii hore Dhakhaatiirta MSf ayaa gargaaar deg deg ah u fudiyay in ka badan 152 Gabdhood  kuwaas oo lagula kacay falal isku jira Kufsi,jir dil iyo tacadiyo ka dhan ah Bini’aadamka.

falalkaan ayaa si gaar ah uga dhacay degmada Magaalada Pantio ee waqooyiga koonfurta Suudaan.

Dhakhaatiirta aan xuduudda la ahayn ayaa intaasi ku daray in Saddexdii sano ee la soo dhaafay aysan arkin dhacdo noocaan oo kale balse Hay`adaha Xuquuqda aadanaha u dooda ayaa ku baaqay in la xaliyo khilaafaadka u dhaxeeya garabyada isku haya talada wadanka Koonfurta Suudaan si gar gaar  loo gaarsiiyo dadka ay dhibaatadu ku haysto gudaha wadankaasi.

Wasiirka warfaafinta dalkaasi ayaa dhankiisa beeniyay Bayaanka ka soo baxay Dhakhaatiirta xuduudda aan lahayn isagoona sheegay  in koonfurta Suudaan ay tahay dowlad ixtiraamta Xuquuqda Aadanaha waa sida uu hadalka u dhigaye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here