Xulka Kubbada Cagta Soomaalida Melbourne oo maanta Kismaayo soo gaaray

0
566

Xulka Kubbada Cagta Soomaalida Melbourne ee dalka Australia ayaa soo gaaray magaaladda Kismaayo Xarunta KMG dowlad goboleedka Jubbaland,Waxaana garoonka diyaaradaha ee magaalada kismaayo kusoo dhaweeyay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo ciyaaraha Jubbaland Aadan Gaarane,Ururada Isports-ka magaalada iyo dadwayne kale.

Ciyartooydaan maanta soo gaaray magaalada Kismaayo  ayaa maalinta Berito ah ee Taariikhdu tahay 2/12/2018 la ciyaari doona Xulka Kubbada Cagta Jubbaland.

Gudoomiyaha xiriirka kubbada cagta Jubbaland Axmed Faarax Taqal (Tima Jilic) oo ka mid ahaa dadkii soo dhawaayey dhalinyarada ka socotay Xulka Kubbada Cagta Soomaalida Melbourne ee dalka Australia ayaa sheegay muhiimada ay leedahay iska dhex galka Dhalinyarada,waxa uuna tilmaamay in ay kulamaada noocaan oo kale ay Bahda Sports-ka Jubbaland si gaar ah uga shaqayn doonto.

Maagaalada kismaayo ayaa  ka mid  ah magaalooyinka caanka ku ah kubbada Cagta waxaana si gaar ah looga dareemaya waayadii ugu dambeeyay hormar la xiriira dhanka sportska.

Imaatinka Jubbaland ee Xulka Kubbada Cagta Soomaalida Melbourne ee dalka Australia ayaa ku soo beegmaya Xilli ay Jubbaland isku diyaarinayso in ay markeedii Labaad oo xiriir ah ay difaacato Tartanka Koobka dhex mari doona dowlad goboleedyada iyo gobalka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here