Takhaatiir ka timid Australia oo qaliimo bilaasha ah ka fuliyey Isbitaalka Daryeel ee Kismaayo [Sawirro]

0
536

Wafdi Takhaatiir Soomaali ah oo ka socday magaalada Melbourne ee dalka Australia qaybna ka ahaa safarkii ay Kismaayo ku yimadeen kooxda kubbadda cagta Melbourne ayaa Isbitaalka Daryeel ee magaalada Kismaayo ka sameeyey qaliimo lacag la’aan ah.

Qaliinkaan lacag la’aanta ah oo la xiriira cudurka isku furanka oo haweenka haleela xilliga dhalmada ayaa waxaa ka faa’iideysan doona ilaa 20 haween ah oo uu haleelay cudurka isku furanka, waxaana loo sameeyey munaasabad kooban oo daah fur ah.

Aadan Faarax Gaarane Agaasimaha wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Jubbaland ayaa munaasabadda ka sheegtay in kooxdaan takhaatiirta ah ee la socota kooxda ciyaartoyda ay iyagu goosteen in ay dadkooda u sameeyaan qaliimo bilaasha ah maal maha ay ku sugan yihiin magaalada Kismaayo.

“Waxay daaweyn doonaan dadkooda, waxayna fulin doonaan qaliimada Indhaha iyo Isku furanka ku yimaado dumarka xilliga dhalmada, waxay noo balan qaadeen in ay wadi doonaan qaliimada noocaan oo kala ah ee ay bulshada u baahi qabto, waana u mahadcelineynaa Isbitaalka Dareeyal oo naga caawiyay halkii ay Takhatiirta ku fulin lahaayeen qaliimada” ayuu yiri Aadan Faarax Gaarane

Sacdiyo Maxamed Cali Jamo oo kamid ah Takhaatiirta fulin doona qaliimada ayaa sheegtay in ay caawin doonaan walaaladooda uu daashaday xanuunka isku furanka iyo dhibaatada dhanka araga.

“Ujeedkeena waxa waaye in aan dadka caawino dumarkana aan qaliin ku sameyno kuwa la ildaran isku furanka, waxaan la kulanay dumar badan oo isku furan qaba, qaarkood waxay qabeen muddo 8 sano ah, waxaan rajeynayaa in kuwaasi aan ku sameyn doono qaliimo “ ayey tiri Sacdiyo Maxamed Cali Jamo.

Dr. Axmed Maxamed Xuseen cirro oo ah maamulaha Isbitaalka Daryeel ee ay Takhaatiirtu ka fulin doonaan qaliimada ayaa ammaanay Takhaatiirta isa soo xilqaantay diyaarna u ah in ay ka daweeyana qaliina ay ku sameeyaan dumarka qaba isku furanka

Wajiga koowaad ee qaliimada maanta waxaa lagu fulin doonaa 20 haween ah oo qaba isku furan, kuwa kalena sidaa bey ku sii soconayaan, ma jirto hey’ad inta noo timid oo sidaan fudud howsha noogu fulisay, waan ku amaanayaa howsha sida fudud ay maanta noola qabteen wafdigan Takhaatiirta ah, waxaan reer Australia idinku dhiibi doonaa hadiyado, waana u wanaajin doonaa sida ay noo wanaajiyeen “ ayuu yiri Dr Cirro.

Isla kooxdaan Takhaatiirta ah ayaa la rajaynayaa in ay qaliimo indho fiiqis lacag la’aan ah ka sameeyaan Isbitaalka Jaamacadda Kismaayo ee uu ka howlgalo Dr. Cabdirisaaq Cumar Jees.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here