Shirka Maalgashiga Afrika ayaa maanta ka furmay magaalada Sharma-sheekh ee dalka Masar

0
760

Wasaaradda Maalgashiga iyo iskaashiga caalamiga ah ee dalka Masar oo kaashanaysa Hay’adda Maalgashiga Afrika ee COMESA ayaa maanta wada qaban qaabada shirka Maalgashiga Afrika oo sanadkiiba mar la qabto.

Magaalada Sharma sheekh oo ah halka uu ka furmayo shirka Afrika ee sanadka 2018 ayaa waxaa ku soo qulqulaya Wafuud fara badan si ay uqa qayb qaataan shirkaan oo sanadkaan looga hadlayo arrimo xasaasi ah.

Shirkaan ayaa Cinwaan looga dhigay hoggaanka geesinimada leh, iyo dhiiragelinta maal-galinta Afrika,waxaana ka qayb qaadanaya in ka badan 8 Boqol oo ka mid ah shirkadaha Ganacsiga,sidoo kale waxaa qayb ka ah shirkaan 21 hoggaamiye Afrikaan ah.

Magaalada Sharma-Sheekh ee dalkaasi Masar ayaa marti galineysa in ka badan 3 Kun oo qof oo iskugu jira ganacsatada waa wayn,Siyaasiyiinta iyo haldoorada Afrika iyo caalamkaba,waxaana si wayn loo adkeeyay Ammaanka Magaalada Sharma-Sheekh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here