Gudoomiyaha Baarlamanka dalka oo ka hadlay xaalada Baydhabo ka taagan

0
338

Gudoomiyaha Gollaha shacabka dalka Mudane Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa ka hadlay xaalada aan daganayn ee ka taagan magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay halkaa oo ay shalay ka dhaceen dagaallo ay dad ku dhinteen kaddib rabshado dhacay oo ka dhashay xarigii Mukhtaar Roobow.

“Waxa ka dhacay Baydhabo ma ahayn wax saxan, waxaan u baahanahay in xaaladda la dejiyo waxaan la hadlay waxgaradka si loo joojiyo dagaalka socda, waana la xisaabtami doona fidnada halka ka dhacday cida ka dambeysa” ayuu yiri Gudoomiye Mursal oo warbaahinta la hadlay.

Kama uusan hadal xariga Roobow sax iyo qalad sida uu u arko hase ahaatee waxaa uu ku dheeraday ka hadalka dhibaatada rabshadahaBaydhabo ka dhashay isagoo masuuliyada dusha ka saaray cida abaabushay dhibtaas ee ka shaqeysay xasilooni darada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here