Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland oo Iskuul cusub ka dhagax dhigtay deegaanka Buula-Gaduud

0
518

Deegaanka Buula-Gaduud wuxuu kamid yahay deegaanada ay saameeyeen dowlad la,aanta dalka ka jirta,gaar ahaan deegaanku ma laha dhammaan adeeggii aas-aasiga u ahaa Nolasha Aadanaha.

Buula-Gaduud waxaa ku yaalla Iskuul ka sameysan Baco iyo Jiingado aan xoog badan lahayn kasoo ay inta badan ka tageen Ardaydii wax ka baran jirtay,waxaana hadda wax ku barta tiro yar oo kamid ah Ardayda ku dhaqan deegaankaasi.

Dowlad-Goboleedka Jubbaland oo ka duuleysa Qorshaha horumarinta degmooyinka iyo deegaanada iyo sare u qaadidda Waxbarashada ayaa maanta dhagax dhigtay Iskuul Hoose oo ay yeelan doonto Buul-Gaduud.

Guddoomiyaha Degmada Kismaayo Ibraahim Maxamed Yuusuf Tima Jilic iyo Xildhibaan Xusseen Axmed Xirsi oo goobta dhagax dhigga ka hadlay ayaa sheegay in dowladdu ay wado qorshe lagu horumarinayo Waxabarashada.

Ibraahim Maxamed Yuusuf Guddoomiyaha degmada Kismaayo ayaa ugu baaqay Qurbajoogta Jubbaland in ay gacan ka geystaan dhismaha Iskuulkan .

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland Axmed Cabdirisaaq Handal ayaa sheegay in Dowladdu ay bixin doonto Musharaadka Macalimiinta Iskuulkan laga dhagax dhigay deegaanka Buula-Gaduud.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jubbaland ayaa wada dadaalo lagu hormarinayo Waxbarashada gaar ahaan deegaanada ka baxsan magaalada Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here