Qaar ka midda Odayaasha Gobolka Gedo oo ka horyimd shirkii lagu qaban rabey Garbahaarey

0
1173

Waxgarad iyo Odayaal ka soo jeedda Gobolka Gedo ayaa ka hadlay Shir lagu Waddo in uu ka dhaco magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Geddo,Shirkaasi ayaa Odayaasha iyo Waxgaradku ku dhaliileen in uusan ahayn mid ay ku midaysan yihiin dadka Gobolka.

Waxgaradka iyo Salaadiinta ayaa sheegay in degmooyinka  iyo Gobollada Jubbaland ay yihiin Deegaanno nabad ah oo aysan Xiligaan dhibaato ka jirin balse ay jiraan dad doonaya in dadka  ay kala Qaybiyaan.

Odayaasha ayaa digniin u direy cid walba oo isku deydo kala qaybinta shacabka Reer Jubbaland ku baaqeen in shir walba laga soo qayb galiyo dadka deegaanka si loo ilaaliyo midnimada iyo Nabadda deegaanka.

Xildhibaanada laga soo doorto gobolka gedo ee ka tirsan Baarlamanka Soomaliya ayey ogu baqeen in ay arintaasi soo faragaliyaan islamarkaana ay ka hortagaan xiisad coladed oo halkasi ka dhalata. 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here