Turkiga oo Wakiil u dooratay wada hadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland

0
477

Olgan -Bekar oo ahaa Safiirkii hore ee dalka Turkiga u fadhin jiray Soomaaliya  ayaa loo magacaabay in uu noqdo u qeybsanaha dowladda Turkiga ee wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Sidaas waxaa boggiisa a Twitter-ka ku daabacay Safiirka dowladda federaalka Soomaaliya u fadhiya Ankara Jaamac Abdi Maxamed.

Olgen Baker ayaa horay u ahaa Safiirka dowladda Turkiga u fadhiyay Soomaaliya muddo afar sano,Safiir Beker ayaa lagu xasuusta xiriirkii wanaagsanaa iyo wada shaqayntii uu la lahaa dalka Soomaaliya

Mr Baker ayaa loo igmatay in uu daadihiyo howlihii wada xaajoodka ahaa ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Somaliland taas oo muddaba ay garwadeen ka ahayd dowladda Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here