Xoogsatada Dekedda kismaayo oo sheegay in uu hoos u dhacay dakhligii ay heli jireen

0
424

Hodantinimada uu Eebe Dalkeenu ku manaystay waa kuwo aanan sidii loo baahnaa aanaan uga faa`iidaysan,in ka badan 5 Dekadood ayuu leyahay dalka marka laga yimaado kheyraadka kale.

Dekedda magaalada Kismaayo ayaa kamida Dekedaha waawayn ee sida casriga ah u dhisan waxaadna arkeysaa marka aad gudaha u gasho Mashquul badan.

Talefishinka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa booqasho ku tagay Tekadda Kismaayo,waxaana si gaar ah warbixin uga samaynay xoogsatada ka shaqeysta Dekedda iyo sida ay u soo saaran Nolol maalmeedkooda.

Marsadda Kismaayo waxaa kuu muuqanaya nidaam lagu kala hagayo shaqada maalin laha ee Dekedda,waxaana inta badan la arkayaa shaqadii xaamalka oo yaraatay,waxaana loo sababeeyay takadda oo laga hirgaliyay Wiishash qaada xamuulka ay wadaan Maraakiibtu.

Muruq-maalka Dekedda ayaa ka cabanaya habka Kunteenarka ah oo ah habka wax dajiska dekedaha Caalamka,waxaana ay sheegeen in ay wax iska dhimeen dakhligii soo gali jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here