Madaxweynaha Jubbaland oo shir guddoominayay shirka golaha Wasiirada Jubbaland+Sawirro

0
488

Inta badan shirkaan ayaa looga hadlaa horumarinta deegaanada Jubbaland iyo xoojinta nabad galyada Balse todobaadyadii u dambeeyay wuu ka duwanaa shirarkii ay horey u yeelan jireen Wasiirada dowlad gobaleedka Jubbaland.

Ajandayaasha aadka diiradda loo saarey  waxaa ka mid ah xoojinta ammaanka deegaanada xorta ah iyo howl-gallada qeybtoodii hore ay bilowdeen ee lagu xoreynayo gobalka Jubbada dhaxe.

Maanta shirkii ay yeesheen golaha Wasiirada dowlad gobaleedka Jubbaland waxa shir gudoominayey Madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Intii uu socday shirka waxaa waxqabadkooda laga dhagaystey qaar kamida Wasaaradaha dowlad goboleedka Jubbaland sida Wasaaradda Macdanta,Biyaha iyo Tamarta iyo Wasaaradda Arimaha gudaha.

Dhageysiga Wasaaradahaas ka dib waxaa shirka intiisa badan looga hadlay howlgalada ka billowday Jubbaland kuwaas oo  loo doonayo in lagu xoreeyo deegaanada wali kamaqan gacanta dowlad gobaleedka Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here