Madaxweynaha Jubbaland oo Af-madoow kula kulmey qaybaha kala duwan ee ciidamada

0
663

Madaxweynaha dowlad-goboleedka Soomaaliyeed Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose, waxaa uu goob fagaare ah kula kulmay cutubyo kala duwan oo ka tirsan ciidanka qalabka sida ee Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Ciidamadan ayaa kamid ah kuwa loo diyaariyey ka qeyb galka hawlgalka la doonaayo in kooxda argagixisadda Al-Shabaab oo dhibaato ba’an ku haysa shacabka laga xoreeyo gobolka Jubadda dhexe iyo degmooyin katirsan gobolka Jubadda Hoose.

Madaxweynaha ayaa ciidanka ku ammaanay doorkooda ku aadan xaqijinta ammaanka iyo sidoo kale ka qeyb qaadashada in shacabka Soomaaliyeed laga dul qaado kooxda argagixisadda, waxaa uu sheegay in Jubbaland ay hadda ka awood badan tahay markii la qabanayay deegaanno badan hadana loo baahan yahay isku tashi iyo in dhabarka laga jebiyo cadawga umadda Soomaaliyeed.


Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegtay in degmada Afmadow oo ah xarunta laga hagi doono hawlgalada, sidoo kalena laga furi doono dugsi lagu tababaro ciidan ka qeyb qaata difaaca iyo xaqiijinta ammaanka guud ee Jubbaland.

Saraakiisha hoggaamineysay ciidanka uu la kulmay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa ballan qaaday in ay boqnaha jari doonaan cadowga Al shabaab ee dhibaatada ba’an ku haya dadka Soomaaliyeed ee ku nool dhulka ay ka taliyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here