Machadka Samadoon oo soo agaasimey dood cilmyeed ku saabsan Hoggaaminta hay`adaha

0
666

Machadka Samadoon ee Cilmi-Baarista Nabadda iyo Istiraatiijiyadda  ee magaalada Muqdisho ayaa ku qabtay xarunta machadka  dood cilmiyeed  ku saabsan Hoggaaminta hay`adaha dawladeed ee Soomaaliya,waxaana si qotadheer awoodda loo saarey hab maamuleedka Kheyraadka,Batroolka iyo Macdanta .

Barnaamijka waxaa marti ku ahaa Siyaasiyiin,Aqoonyahanno iyo ardayda Jaamacadaha,waxaana aad looga doodey sida loo hoggaamin karo hay`adaha dowladda.

Agaasimaha Machadka Samadoon Dr Aweys Shiikh Axmed oo goobta ha ka hadlay ayaa balan qaaday in doodahan waxtarka u leh bulshada Soomaaliyeed ay sii wadi doonaan.

Gabagabadii doodda Agaasimaha Machadka Samadoon ayaa  shahaado sharaf guddoonsiyay  qaar ka mid ah haldoorada Soomaaliyada kuwaas ooo qayb ka ahaa dadkii soo agaasimey doodda ama ka qayb qaatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here