Ciidanka Jubbaland oo fashilyay Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay+Sawirro

0
861

Ciidamada dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa fashiliyay Weerar ay Malleeshiyaadka Al-Shabaab aroornimadii saaka ku soo qaadeen fariisimaha hore ee ciidanka Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Baar-Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.

Malleeshiyaadka Alshabaab ayaa is ku dayay in ay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ay ku dumiyaan buundada Baarsanguuni ee Ku dhow Degmada Jamaame,gaarigaan ayaa loo soo sameeyay qaab aan xabadaha yar ya aysan karin .

Ciidadamad dowlad goobleedka Jubbaland ayaa fashiliyay oo gacanta ku dhigey gaariga sidey walxaha qarxa.

Dhinaca kale Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa khasaare badan gaadhsiiyay kooxda Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday,Malleeshiyaadka Al shabaab ayaa bartilmaad ka dhiganayay Saldhig ay Ciidamadu ku leeyahiin Deegaanka Baarsanguuni.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here