Washington Post: Caalim Ciraaqi ah ayaa Hubka Kiimikada ah u sameeya Kooxda Daacish

0
683

Wargeyska Washington Post ee laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa boggiisa ku daabacey in Caalim Ciraaqi ah oo lagu magacaabo Suleyman Al-Afari uu kooxda Daacish ka caawiyo samaynta Hubka Kiimikada ah.

Sida uu wargeysku sheegay xiriirka Suleyman iyo Kooxda Daacish ayaa bilowdey Sanadkii 2014 markaas oo ay kooxdu xoog kula wareegtay magaalada Mowsil ee dhacda galbeedka dalka Ciraaq.

Caalimkaan ayaa ka mid ahaa dad badan oo ay kooxda daacish ka afduubatay gudaha magaalada,waxaana sidaas ku bilowdey xiriirka ka dhaxeeya isaga iyo kooxda Daacishta Ciraaq.

Wargeyska ayaa intaa ku daray in Suleyman Al-Afari uu ku sugnaa waqtiga la qabanayay Wasaaradda Warshadaha iyo Khayraadka Macdanta Ciraaq qaybteeda Mowsil.

Kooxda Daacish ayaa qabashadiisa ka dib u dhaadhicisey gobolka Kurdiyiinta Ciraaq halkaas oo Al-Afari ku xukumeen xukun daldalaad ah,balse waxaa loo sheegay in uu dilkaasi uga badbaadayo heshiis la xariira dhanka hub sameynta ah.

Daacish ayaa dhankeeda sheegtay in aysan ku khasbin heshiiskaan,balse ay ku siiyaan Mushaar lacageed,waxaa uuna ku guuleystay in uu soo saaro gantaalada dheereeya ee ah kuwa macmalka ah.

Wargeyska ayaa soo xigtay hadalka Al-Afari,” ma ka shaleynayaa waxa aan sameeyay? Ma garan karo in ay ii suurta gali karto in aan adeegsado kalmadahaas oo kale” ayuu yiri Al-Afari.

Waxaa uu sheegay in uu la shaqeeyo koox Daacish ah oo ku takhasusutey sameynta hubka Kiimikada ah kaas oo loo adeegsadey dadka Madaniyiinta ah iyo waliba dagaaladii Mareykanka iyo Daacish ku dhex marey Gudaha Ciraaq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here