Reuters: Sacuudiga oo sii daayay Maalqabeen u xirnaa Muddo Sanad ah

0
558

Ila Wareedyo laga helayo dalka Sacuudi Carabiya ayaa sheegaya in Boqortooyada dalkaasi ay sii deysay Nin Ganacsade ah iyo laba ka mid aha Kaaliyaashiisa.

Raggaan ayaa gudaha Sacuudiga ku xirnaa ku dhawaad Muddo Sanad ah,waxaana lagu hayey Hotelka lagu magacaabo Nile Ritz-Carlton Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa Raggaan ku eedeysay in ay ku howlanaayeen waxa ay ugu yeereen Musuq Maasuq iyo in ay lunsadeen lacago badan.

Ganacsadaha la sii daayay ayaa lagu magacaaba Cumar Al-Dubaqi,waxa uuna ahaa Madaxa Shirkadda McKinsey taas oo Sacuudiga ka caawisa Arrimaha Dhaqaalaha iyo Bulshada.

Labada Nin ee kaaaliyaha u ahaa Al-Dubqi ayaa lagu kala magacaaba Hani Khuja iyo Saami Al-Dahabi, Wargeyska Wall Street Journal oo laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa ugu hor baahiyay soo sii deynta Raggaas.

Wargeyska Wall Street Journal ma uusan sheegin Sababaha iyo shuruudaha Raggaan lagu sii daayay,waxaana horey u jirey Rag badan oo ka mid ahaa Maalqabeenada Boqortooyada oo dib u helay Xoriyadooda.

Xigasho: Reuters

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here