Madaxwaynaha Galmudug oo ku baaqey in laga wadda Shaqeeyo Arimaha nabadgalyada ee u dhaxeeya puntland iyo Galmudug

0
505

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf  oo ka qayb galay Munaasabadda Caleemasaarka Madaxwaynaha Cusub ee puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa sheegay in Puntland iyo  Galmudug ay sii waddi doonaan shaqooyinka nabadda ah ee ay isla wadeen, islamarkaana uu ka rajeynayo Madaxweynaha cusub in isna meeshiisa kasii wado.

Xaaf oo hadal ka jeediyey Munaasabadii Caleema Saarka Madaxweyne Deni ayaa dhanka kale bogaadiyey Horumarka ka jira magaalada Garoowe uu uu sheegay in isbadal badan uu ka muuqdo.

Dhanka kale, Madaxwayne  Xaaf ayaa ku booriyey madaxdii kasoo qeybgashay xafladdaasi iney is cafiyaan oo aayahay dalka iyo dadka laga wada shaqeeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here