Madaxweynaha Jubbaland oo intii uu ku sugnaa Garowe kulan la qaatey Madaxweynihii hore Sheekh Shariif

0
449

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa inta uu ku sugnaa Magaalada Garowe waxaa uu la kulmay Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed.

Labada Masuul ayaa ka wada hadlay Xaalada wadanka iyo sidii horay looga sii socon lahaa caqabadaha taagan ee Dhinacyada Siyaasada iyo Amniga iyadoo si wadajir ah loo tiigsanayo Mustaqbalka Soomaaliya dunida kale la jaan qaada.

Waxaa kale oo ay labada Masuul isla soo qaadeen sidii Xaalada Siyaasada jawi dagan oo xasiloon loogu soo dabaali lahaa si ayna u xagal daacin waxyaabaha muhiimka u ah wadanka oo ay kamid tahay dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here