Guddiga Imtixaanaadka Kenya oo laalay natiijada 3,400 oo kamid ah ardeyda gobolka Waqooyi bari

0
841

Hoggaamiyayaal ka soo jeeda gobolka waqooyi bari Kenya ayaa ka codsaday Madaxweyne Uhuru Kenyatta in uu soo faragaliyo xaaladda murugsan ee la soo gudboonaatay ardayda wax ka barata gobolkaas, kaddib markii lalaalay natiijooyinkii imtixaamnaadka shahaadiga dugsiga sare.

Ardayda la baab’iyay natiijadii ay ka keeneen imtixaanka ayaa si wadar ah loogu eedeeyay in ay ku kaceen falal baal marsan anshaxa imtixaanka.

Xildhibaanno laga soo doorto deegaanka Dhadhaab oo uu hor kacayo Xildhibaan Daahiye Ducaale ayaa muujiyey sida ay uga careysan yihiin go’aanka ka soo baxay guddiga imtixaanaadka dalka ee ay waxba kama jiraan kaga soo qaadeen natiijada imtixaanka arday fara badan oo kasoo jeedda gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Sida laga soo xigtay hoggaamiyayaash,ayaa arday ay tiradooda gaareeyso 3427 arday ayaa gabi ahaanba la baabi’yay natiijadii imtixaanka ay kaga qalin jabinayeen dugsi-yadda  sarre.

War saxaafadeed si wadajir ah ay usoo saareen ayay kaga codsadeen madaxweyn Kenya Uhuru Kenyatta in uu soo faragaliyo badbaadinta mustaqbalka ardayda kasoo jeedda gobollada gobolka waqooyi beri.

Codsiga faragalinta ah ee madaxweynaha loo diray ayay hoggaamiyayaasha waxaa ay hoosta kaga xarriiqeen in waxbarashada da’yartu ay kaalin wanaagsan ka qaadaneyso horumarka gobolka iyo kan dalkaba haddii taasi la waayana ay dhallintaasi u nuglaan doonaan in ay ku biiraan kooxaha argagixisada ah.

Haweeneyda ku fadhisa kursiga haweenka ee Isiolo marwo Raxiima Jaldeesa oo ka hadashay arrinkan ayaa sheegtay in arday si wadar ah loo baabi’iyo natiijada imtixaankooda in ay tahay wax si ula kac ah loogu samaynayo deegaannada la gacan bidixeeyo.

Natiijada imtixaanaadka shahaadiga ah ee dugsiga sare ee ardayda laga baabi’iyay ayaa saameysay 44 xarumood oo ku yaalla deegaannada Gaarisa, Wajeer, Mandheera iyo Isiolo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here