Wasaaradda waxbarashada Jubbaland oo tababar u furtay macalimiinta dugsiyada hooose/dhexe

0
531

Wasiir ku Xigeenka wasaaradda waxbarashada Jubbaland Axmed Cabdirisaaq Handal ayaa qaar kamid ah macalimiinta iskuulada Kismaayo u daahfuray tababar looga hadlaayey habka loo qaado Imtixaanadka.

Tababarkaan waxaa ka faa’iideysan doona ilaa   22 macalin oo ka socday goobaha waxbarashada ee magaalada Kismaayo.

Macalimiinta ayaa tababarka ku baran-doona habka loo qaado imtixiaanadka Iskuulada hoose iyo dhexe, iyaga waxa ay faa’iidaan kula laaban doona iskuulada ay metelayaan.

Mashruucaan ayaa waxaa dhanka dhaqaalaha ka taageeraaya midowga Yurub, waxaana fulineysa wasaaradda waxbarashada Jubbaland.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda waxbarashada Jubbaland Axmed Abdirisaaq Handal ayaa macalimiinta ku booriyey in ay tababarka ka faa’iideystaan kaddibna uga faa’iideeyaan macalamiinta kale eek u haray iskuulada.

Waa markii labaad ee macalimiinta Kismaayo loo qabto tababar noocaan ah oo lagu xoojinaayo barashadda habka loo qaado imtixaanadka dugsiyada hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here