Deegaanka Buulo-guduud oo loo dhisayo xarun Boolis

0
497

Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo amniga Dowlad-goboledka Jubbaland ayaa maanta dhagax dhigay xarunta Booliska ee deegaanka Buulo-fuduud taas oo lagu samaynaayo dib u dhis.

Xaruntaan oo gebi ahaanba ku bur burtay dagaaladii sokeeye ee dalku soo maray ayaa ka rabaa in iminka dib loo dhisi si ay ugu shaqayso bulshada deegaanka.

Guddoomiyaha deegaanka Buulo-guduud Mahad Mataan Buulo iyo Guddoomiye ku-xigeenka dhanka amniga ee maamulka degmada Kismaayo Cabdullaahi Gaab ayaa sheegay in dib u dhiska saldhigga Booliska Buulo-guduud ay qiimo weyn ugu fadhido deegaanka.

Gen. Aadan Maxamuud Ibraahim Aadan Taliyaha Ciidamada Jubbaland ayaa sheegay in horay deegaanka Buulo-gaduud Looga hirgaliyay xarun waxbarasho maantana laga dhagax dhigay xaruntii Booliska, isagoo bulshada deegaanka kula dardaarmay in ay ilaashadaan xarumaha danta guud ee deegaanka laga hirgaliyey.

Deegaanka Buulo-guduud oo 30-KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo, wuxuu kamid ah dhulkii ay Ciidamada Jubbaland ka xoreeyeen cadowga Al-shabaab, dadka deegaanka ayaa iminka dareemaya dib usoo kabasho Dowladeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here