16 kamid ah gobolada Maraykanka oo Maxkamadda federaalka u gudbiyay dacwad ka dhan ah Trump

0
562

16-gobol oo ka mid gobolada dalka Mareykanka ayaa Maxkamad heer federaal ah u gudbiyey dacwad ka dhan ah Madaxweynaha dalkaasi Donald Trump.

Goboladaan oo uu hogaaminaayo gobolka California ayaa kasoo horjeeda xaaladda deg deg ah ee uu Trump ku doonayo in uu ku meel mariyo dhismaha derbiga uu rabo in uu ka dhiso xadka dalalka Mareykanka iyo Maxico.

Xeer ilaaliyaha guud ee gobolka California ayaa warbaahinta u sheegay taalabada xaaladda deg deg ah ee uu Trump doonayo in uu ku ansaxsado lacagta dhan 5.7 billion-ka ay si cad uga hor imaanayso Dastuurka dalka Mareykanka.

Madaxweyne Trump ayaa horay ugu sheegay in uu u malaynayo in la dacweyn doono, wuxuuse sheegay in uu hubo in uu dacwadda isagu ku guulaysan doono.

Gobolada dacwadda gudbiyay oo ay ku jiraan New-york , New Chersea iyo California ayaa ku doodaya in dhaqaalaha uu Trump doonayo in uu ku lumiyo dhismaha derbiga uu yahay mid loo qoondeeyay dhismaha Ciidamada iyo arrimo kale muhiim ah sidaa darteed aan la ogolaan karin.

Trump waxaa uu hore ugu guulaystay kiiskii mamnuucidda socdaalka ee loo gudbiyey Maxkamadda sare, maadaama Garsoorayaasha Maxkamadda sare ay badan kooda soo magcaabeen Madaxweynayaal Jamhuuri ah oo uu isagu na soo magcaabey labo ka mid ah Garsoorayaashaasi Maxkamadda sare dalka, waxaana yar rajada laga qabo in Trump looga adkaado Dacwadda laga gudbiyay xilligaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here