Dhalinyaro ku dhaqan Kismaayo oo billaabey Mashruuc lagu keydinayo dhiigga

0
533

Guud ahaan dalku malaheyn Bangi lagu keydiyo dhiigga wixii ka dambeeyay burburkii dalka oo wax walba ay meesha ka baxeen,Isbitaalada ku yaalla magaalooyinka waa wayn ee dalka waxaa ku adkeyd in ay helaan dhiig badqaba oo dabooli kara baahiyaha bulshada u dhiban.

Kismaayo waxa ay kamid tahay magaalooyinka u baahan  Bangi lagu keydiyo dhiigga inkastoo dhalinyaro isku tagay ay billaabeen keydinta dhiigga iyagoona sameeyay wacyi galin ku aadan sidii ay bulshadu uga qayb qaadan lahaayeen bixinta dhiigga si loo badbaadiyo dhibanayaasha si ay nolasha baaqi ugu sii ahaadaan.

 Hadda Cisbitaalka  guud ee degmada Kismaayo waxa uu leeyahay goob lagu keydiyo dhiigga,waxaana soo abaabulay barnaamijkaan dhalinyaro isu tagtay oo markii ay arkeen baahida dhiigga loo qabo u istaagey sidii ay ku Cusbitaalka uga hir galin lahaayeen barnaamij dhamaystiran kaas oo lagu keydinayo Dhiigga.

Waxaan booqanay Cisbitaalka guud ee degmada Kismaayo si aan wax uga ogaano Keydka dhiigga ee Cisbitaalka iyo kaalinta dhalinyarada ay ka qaateen sidii loo heli lahaa dhiig badqaba oo deg-deg uga jawaabi kara baahida bulshada Jubbaland.

Xassan Garaad oo xubin ka ah Ururka Mutadawiciinta dhiigga ee Jubbaland ayaa ka warbixiyay sababta ay ugu dhiiradeen arrintaan waxa uuna sheegey in ay arkeen baahida aadka ah ee ay bulshadu u qabto in la helo keydka dhiigga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here