Al Bashir oo ku dhawaaqey xaalad deg deg ah

0
413

Madaxweynaha dalka  Suudan Al-Bashiir ayaa shaaca ka qaadey in uu  xaalad degdeg ah ku soo rogay waddankiisa islamarkaana kala diray golihii xukuumadda iyo maamulladii gobollada ee dalkaasi.

Sudan ayaa xaalad deg deg ah gashey muddo hal sano ah sida lagu sheegay bayaanka ka soo baxey xafiiska Madaxweyne Al Bashir lamana garan karo sida wax uga badali karto xaaladaha kacdoon ee ka jira dalkaas.

Madaxweyne Al-Bashiir ayaa sheegay in uu qiimaynayo awoodda dibad-baxayaasha ka horjeeda maamulkiisa,waxaana uu golaha Baarlamanka ku wargeliyay in ay dib u dhigaan isbeddelka Dastuurka ee saamaxaya in mar kale uu Al-Bashiir u tartamo doorashada madaxtinimada dalka.

Suudaan waxaa ka socday dibad-baxyo shacbi oo lagu dalbanayo in uu xilka isaga dego Al-Bashiir oo mudda 30 sano ah waddanka xukumayey waana tan madaxweynaha ku khasabtay go’aanka la xiriira in uu xaalad deg deg ah soo rogo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here