Baladweyn: Wabiga Shabeelle oo biyo yareeyay

0
776

Beeraleyda ku dhaqan degmada Baladweyn ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa aad uga cabanaya biyo yari soo wajahdey ka dib markii uu biyo yareeyay wabiga Shabeelle.

Beero qodotada  ku dhaqan magaalada Baladweyn iyo deegaanada hoos yimaada  ayaa waxa ay nolashoodu ku tiirsantahay dalaga ka soo go,a beeraha.

Sida ay sheegeen qaaar ka mid ah Beeraleyda degmada Baladweyn Waxaa hakad galay dalagii beeraha taas oo ay u sababeynayaan wabiga oo aad u biyo yareeyay.

Waxey ugu baaqeen maamulka gobolka Hiiraan in ay gacan ka geystaan sidii wax looga qaban lahaa xaaladda biyo yari ee soo food saartay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here